skip to Main Content

COVID-19 oo tiradiisu kor ugusii kacayso gobalka Maine, iyadoo 665 xaaladood laga helay guud ahaan gobalka.

Ilaa wakhtigii ay masiibadani bilaabmatay Maine waxaa laga diiwaan galiyay 77,578 xaaladood
oo Covid-19 ah iyo 940 xaaladood oo dhimasho ah, dhamaan gobalada Maine marka laga
reebo degmada Lincoln ayaa hada lagu tilmaama inay tahay mida ugu tirada saraysa ee
gudbinta fayraska sida lagu cadeeyay xarumaha xakamaynta iyo ka hortaga cudurada ee
Maraykanka. sidokalena bulshada oo lagu dardaaray inay xidhaan af-dabool marka ayku sugan
yihiin goobaha dad waynuhu ku badanyihiin.

Degmada Piscataquis ayaa ah mida ugu xun xiligan ee gudbinta fayraska, iyadoo boqolkiiba 53
sibuuxda dadka loo talaalay tirada ugu badan ee isbuuciiba lahelayo ayaa ah 512.4 xaaladood
marka loo eego 100,000 oo qof ee gobalada. Piscataquis,Penobscot,Aroostook, iyo Waldo
dhamaantood waa kuwo hela heerar talaal oo ka hooseeya 60 boqolkiiba.

Degmada Cumberland ayaa ah mid hesha heer talaal oo sareeya 74.4 boqolkiiba waxaa kusoo
xigta degmada Lincoln oo hesha 68.9 boqolkiiba.gobalada Oxford iyo Androscoggin ayaa hela
heer talaal qiyaastii 55 boqolkiiba halka heerka kiisaskuna yahay qiyaas ahaan 110 100,000 oo
qof todobaadkii laso dhaafay.

Celceliska todobada maalmood ee kiisaska cusub kuwaasoo maalinle ah aya kor ukacay 372.3
Jimcihii, marka la barbar dhigo todobaad kohor 215.6 iyo bil kohor 101.4. maalintii jimcaha
ahayd aya noqotay malintii isku xigtay oo la helo inkabadan 600 oo xaaladood oo cusub.
Isbitaalada Maine ayaa lagula tacaalayaa 163 qof oo laga helay COVID-19 halka 62 ay ku jiraan
daryeel halis ah.

Gov.Janet Mills aya khamiistii ku dhawaaqday in dib loo dhigi doono hirgalintii shardiga talaalka
ahayd ee Shaqaalaha daryeelka caafimaadka laga bilaabo 1 October ilaa 29, si’ay wax uga
qabtaan yaraanta ku timi shaqaalaha iyadoy shaqaalaha diida talaalka ay iskaga tagaan
shaqooyinkooda.

“Hadafkaygu waa in shaqaale kasta oo daryeel caafimaad oo Maine ah in latalaalo” ayuu Mills
kuyiri hadal uusoo saaray.

Dhinaca talaalka 848,862 oo reer Maine ah ama boqolkiiba 63.15 kuwaaso kamid ah 1.3 milyan
oo gobalka ayaa qaatay qadarkoodii ugu dambeeyay ee talaalka COVID-19.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top