skip to Main Content

Maxaa ka jira in $50 milyan loo heysto askarta ku muqan ERITREA?

By Abdinajib Abdullahi

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlayey Telefishinka Somali Cable ayaa ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen marti kala duwan oo lagu casuumay barnaamijkaas oo ah mid falan-qeyn ah.

Cabdikariin Cali ayaa wax laga weydiiyey dhalinyarada ku maqan Eritrea oo ay ka taagan tahay dood culus, maadaama ay soo baxeen warar sheegaya in loo heysto in $50 milyan.

Afhayeenka oo ka jawaabayey arrintaasi ayaa beeniyey, wuxuuna ku tilmaamay wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah oo laga leeyahay dano siyaasadeed.

“Soomaaliya, Uganda ciidan ayaa loogu tababaray, oo Masar waa loogu tababaray, oo Sudan waa loogu tababaray, Turki waa lagu tababaray, xittaa Yurub saraakiil qaar loo qaaday way jiraan, Ameerika ragbaa loo qaaday, weli miyaad aragtay askari Soomaaliyeed oo la leeyahay lacag ayaa loo heystaa?” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada qaranka.

Sidoo kale wuuxu intaasi kusii daray “Waxaa waa iska huu-haa, waana hadal kuturakuteyn ah wax macna lehna ma’ahan,”.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in dhalinyaradaasi oo gaareyso 5000 askari dhawaan lagu celin doono dalka, isla-markaana ay ka qayb-qaadan doonaan dagaalka Al-Shabaab.

“Askartaas waa ciidan Soomaaliyeed way imaanayaan maanta maalin looga baahi badan yahay ma jirto, waxaaana rajeyneynaa inay ka qayb qaadan doonaan xoreynta dalka,”.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya kadib maalmo markii ay Muqdisho isku soo bax ku qabteen waalidiinta dhalay wiilashada loo qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo madaxweynaha cusub ka dalbaday inuu ku caawiyo sidii ay u heli lahaayeen ilmahooda oo ka maqan dhowr sanno.

 

xaaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top