skip to Main Content

Nin reer Hartford ah oo lagu xukumay 50 sano oo xabsi ah kadib markii uu kula kacay dil saaxiibtiis.

Isaga oo la sheegay inuu ku garaacay biro saaxiibtiis oy mudo dheer wada socdeen halka
labadooda caruurna kujireen guriga ayaa maalintii Salaasada ahayd lagu xukumay 50 sano oo
xabsi ah. garsoore William Stokes ayaa Rondon Athayde oo 49 jir ah ku xukumay maxkamada
sare ee degmada Oxford.

Stokes oo arintan ku tilmaamay mid xadgudub ah, arxan daro ah, ku xadgudub guriga dhexdiisa
ah sidokalena ku sheegay rabshadaha aan caadiga ahayn.

Madaxa baaraha caafimaadka ee Maine ayaa isaguna ku markhaati furay in Athayde ugu
yaraan 43 jeer uu Cordero ku garaacay nooca birta ah, gurigooda oo ku yaalay 62 bear
Mountain Road taariikhdu markay ku beegnayd 2018 bishii Disember 13. Sida lasheegay
lamaanahan ayaa kasoo guuray Brazil iyaga oo usoo guuray Maine.

Taliyaha xeer ilaaliyaha guud Robert “Bud” Ellis aya sheegay in dhaawacyada kamuuqday
Cordero ay yihiin kuwo horay usoo gaadhay jidhkeeda kuwaasoo ka tagay cadaymo amaba
nabaro ka muuqda dhanka wajigeeda iyi dhamaan jidhka kale.

Baaraha caafimaadka aya arintan kusoo gaba gabeeyay in ay ahayd xadgudub ba’an. labada
gabdhood ee guriga xiligaa kusugnaa ayay da’doodu kala ahayd 3 iyo 4 jir kuwaaso kaso maray
xanuun iyo waaya aragnimo dilkii Cordero, Ellis ayaa codsaday in maxkamadu ku rido xukun 55
sano ah.

Cordero walaashed Cynthia aya soosaartay bayaan oo lagasoo qaaday Brazil kaaso lagu sii
daayay fiidiyaha.

Stokes, ayaa ku sheegay falkan in lagu xukumo xabsi daa’in , wuxuna ku sababeeyay in dilkan
uu ahaa mid arxan daro xad dhaafa ah.

Waxa uuna ku amray Athayde inuu bixiyo lacag dhan 3198.47 oo doolarka Maraykanka ah oo
magdhaw ah.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top