skip to Main Content

Siyaasi raali-gelin ka bixiyey hadal aad uga careysiiyey Soomaalida dalka Kenya

By Abdinajib Abdullahi

Murashaxa xilka barsaabka Nairobi iyo duqa magaalada caasimadda ah ugu tartamaya xisbiga talada Kenya haya ee Jubilee, Polycarp Igathe Kamau, ayaa ku khasbanaaday inuu raali-gelin ka bixiyo hadallo ka careysiiyay qayb ka mid ah shacabka daggan Nairobi.

Igathe oo lagu eedeeyay in uu si gaar ah u bartilmaameedsaday bulsho cayiman, ayaa sheegay in hadalladiisa ay ka duwan yihiin sida loo fahmay ee ah in uu shakhsiyaad farta ku fiiqayay.

Siyaasigan oo sharraxayay waxa uu horay u yiri ayaa sheegay in uu ka hadlayay oo kaliya sida loogu kala horreeyo fursadaha shaqada, dhaqaalaha iyo faa’iidooyinka Nairobi.

Raali-gelinta Polycarp Igathe Kamau ayaa daba socotay muuqaal si wayn u faafay oo laga duubay hadallo uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay.

Muuqaalkaas ayuu ku sheegay in baarlamaan deegaanka ee Nairobi oo xubnihiisa “ay u badan yihiin qowmiyadda Kikuyu ay gacanta ku hayaan saddex xildhibaan oo Soomaali ah, kuwaas oo dhammaan xubnaha kale ay la haystayaal u yihiin”.

Hase yeeshee ma uusan sheegin magacyada saddexda ruux ee Soomaalida ah ee uu tilmaamayay inay Aqalka Wakiillada ee Nairobi “maamulkiisa awood ku haystaan”.

“Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Nairobi waa 45, oo wada Kikuyu ah, Waxaana idiin sheegi karaa in dhammaantood ay ku hoos jiraan maamulka saddex Soomaali ah. Taasi waa xaqiiq jirta. Qabsashadu waa mid dhab ah. Xitaa shalay waxay samaynayeen waxbaayo sharci darro ah,” ayuu yiri Igathe oo laga maqlayo muuqaalka.

Balse waxa uu hadda soo saaray bayaan uu raali-gelin uga bixinayo erayadaas oo uu ku andacooday in si khaldan loo fahmay.

Hadallada horay ugasoo yeeray siyaasigan ayaa si wayn uga careysiiyay Soomaalida Kenya.

Xildhibaanka Garissa, Aadan Ducaale ayaa ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka fal celiyay hadalka Igathe oo uu ku qeexay mid “hayb soocaya Soomaalida”.

“Qabyaaladda sida xishood la’aanta ah loo dhex dabaalanayo waa arrin nasiib darro ah. Waa wax aad looga naxo oo ka yimid qof sheeganaya in uu wax bartay,” ayuu yiri Xildhibaan Ducaale.

Igathe oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu cad cad ee u hanqal taagaya hoggaanka Nairobi ayaa sheegay in haddii la doorto uu ka shaqeyn doono sidii ay dhammaan reer Nairobi u heli lahaayeen fursado ay u siman yihiin.
Doorashada guud ee Kenya ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha August ee sanadkan.

xaquuqda weydhowrantahay : Boudless media

Back To Top