skip to Main Content

Wasiirka tacliinta oo daahfuray qaybinta buugaagta ardayda fasalka 7-aad

By Abdinajib Abdullahi 

Nairobi kenya (Boundless media)

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalkani kenya Ezekiel Machogu ayaa si rasmi ah u daahfuray barnaamij qaran oo buugaag loogu qaybinaya ardayda dhameeyay fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee u gudbaya fasalka toddobaad ee loo yaqaano Grade 7.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka hor inta aynan Isniinta soo socoto ardaydan ku biirin fasallada hoose ee dugsiga sare ee Junior secondary.
Machogu oo hadal ka jeediyay machadka horumarinta manaahijta dalka ee (KICD) ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in nuqullada buugaagta ardayda ee la soo saaray ay gaarayaan 17,893,270 halka kuwa macallimiinta hagaya ee la diyaariyay ay yihiin 423,514.
Waxaa uu wasiirku sheegay in buugaagtan la qaybin doono dhammaadka toddobaadka dambe.
Wasiirka tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu ayaa intaasi ku daray in arday kasta oo u gudbaya Grade 7 dugsiyada dowladda la siin doono buugaagta casharrada laga raacdo ee maadda kasta iyo kuwa gaarka ee uu ardaygu xusho.
Waxaa uu intaasi ku daray in buugaagta la gaarsiin doono dhammaan dugsiyada diyaarka u ah inay qaabilaan ardaydan.
Wasiirka ayaa laga soo xigtay in barnaamijkan ay dowladda dhexe ku qarash gelinayso lacag dhan 3.16 bilyan oo shilin.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii la soo gabagabeeyay qiimeyn ku aaddanayd sida dugsiyada hoose dhexe ay ugu diyaar garoobeen inay qaabilaan ardayda dugsiyada JSS.
Wasiir Machogu ayaa amar ku bixiyay in dhammaan dugsiyada dowladda iyo kuwa gaarka ah ay adeegsadaan keliya buugaagta uu ansixiyay machadka horumarinta manaahijta dalka ee KICD.
Dhammaan buugaagtan iyo naqshadaha manhajka CBC qaybihiisa kala duwan ayaa diyaar ku ah shabakadda rasmiga ee machadka KICD .
Qaybinta buugaagta ayaa socon doonto laga billaabo 30-ka bishan ilaa 17-ka bisha labaad ee sanadkan.
Wasiirka waxbarashada ee dalka ayaa dhanka kale waalidiinta iyo dadka mas’uulka ka ah ardayda ku biiraya fasalka 7-aad ee Grade 7 ugu baaqay inay xaqiijiyaan in ardayda ay dugsiyada iska xaadiriyaan Isniinta soo socoto si ay u guda galaan howlaha tacliinta.
Sidoo kale maamulayaasha ayaa lagula taliyay inay la socdaan buugaagta la geyn doono xarumaha ay maamulaan.
Haddii buugaagta iyo tirada ardayda ee dugsiga ay isdhaaf noqoto waxaa warbixinta loo gudbinaya xafiiska arrimaha waxbarashada ee deegaanka.
Wasiir Machogu ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in si buuxda loo dhaqangeliyo isbedellada lagama maarmaanka ee dhanka waxbarashada.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top